XOG XASAASIYA:Xagee ayuu Dowladda Soomaaliya ugu Xiranyahay Wasiirki Amniga Jubbaland?

0
21

Kadib markii dowladda Somaliya ay ku xirtay Magaalada Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan oo la xiray 31-kii Bishii la soo dhaafay, xilli uu Safar ku maraayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaya macluumaadyo ku saabsan halka uu ku xiran yahay Cabdi rashiid Janan.

Cabdi rashiid Janan ayaa xilligii la soo xiraayay waxaa soo qabtay Saraakiil ka tirsan Booliska dowladda Somaliya oo kala soo dagay diyaarad uu Transit ku ahaay, taasi oo u socotay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Booliska Somaliya ayaa maalmo waxa ay ku hayeen Cabdi rashiid Janan Xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska, halkaasi oo Su’aalo lagu waydiinaayay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa badweyntimes waxa ay u sheegeen maalmo markii uu ku xirnaay Xarunta dambi Baarista Booliska, kadib halkaasi laga wareejiyay Cabdi rashiid Janan.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa hadda wuxuu ku xiran yahay Xarunta Habar Khadiijo oo ah Taliska Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, waxaana la sheegay in Fahad Yaasiin Taliyaha Sirdoonka Somaliya uu dalbaday in halkaasi lagu xiro.

Kiiska Cabdi rashiid Janan oo dheeraaday awgeed ayaa la sheegay inay sabab u noqotay in lagu xiro Xarunta Habar Khadiijo, halkaasi oo ah goob amnigeeda si wayn loo illaaliyo islamarkaana xilliyada qaar lagu xiro dadka masuuliyiinta ah.

Waxaa fashilmay dhawr isku day oo la doonaayay in xabsiga looga sii daayo Cabdi rashiid Janan, kadib markii dowladda Federalka Somaliya la sheegay inay shuruudo ku xirta sii daysmada Wasiirka Amniga Jubbaland.

Dowladda Somaliya & Maamulka Jubbaland ayaa xilligaan waxaa ka dhaxeeya Khilaaf culus oo meel sare gaaray, iyadoo dowladda Somaliya ay hawada ka xirtay Magaalada Kismaayo oo xilligaan aysan ka dagin diyaarado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here