XOG LA OGAADAY: Sacuudiga & UAE Oo wada qorshe ay Dekada Hobyo Kula Wareegayaan

0
52

Tan iyo markii ay Dawlada Soomaaliya ugacan gelisey Dekada Hobyo Xukuumada Doxa si ay udhisto Bishii Lasoo dhaafay waxaa sii xoogeystay Dagaalka Qatar ay arintaas ka wajaheyso.

Qaar ka mid ah Waddamada Khaliijka ayaa bilaabay qorshe cad ay ku hor istaagayaan Qatar inay Dekada Hobyo la wareegto oo dhisto kadibna Dhaqaale badan ka hesho.

Wargeyska The New Arab ayaa soo bandhigay Xogtaan isagoo sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraat-ka Carabta ay isku garab siinayaan xaniinyo qabasho lagu sameeyo Dawlada Qatar.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu muujiyey inay xurguftaan ay daba socoto midii soo bilaabatay Cunuqabateyntii isbaheysiga Sacuudiga Hogaaminayey saareen 2017-kii Dawlada Qatar.

Wixii markaas ka dambeeyey Xiisada Khaliijka ka jirtay ayaa saameyn ku yeelatay Soomaaliya oo hadba dhinac ay isku laheysiinayeen inay helaan taageerada Soomaaliya.

Balse Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa qadiyada Khaliijka waxay khilaafka ka dhex jiray ka qaadatay markaasi mowqif dhex dhexaadnimo ah taas oo badankood dadka ay taageereen.

Loolanka cusub Ee Dekada Hobyo ayaa ah dhabar jebin kale oo lala rabo Xukuumada Doxa balse waxay ku niyad qabowdahay inay Heshiiska iyada saxiixday oo Soomaaliya ay garab ka heysato.

Sacuudiga iyo Imaaraat-ka ayaa waxay muujinayaan Quwad ballaaran,waxay Lacag badan ku bixin doonaan is hor taag lagu sameeyo in Dekada Hobyo gacanta ku dhigto Dawlada Qatar balse lama oga sida ay waxaas oo dhan udhici karaan.

Dawlada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin siriqda Sacuudiga iyo Imaaraat-ka Carabta ay damacsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here