Xildhibaannada Gaarisa oo gacanta isulatagay qaar Isbitaaladda la dhigay kaddib muran ka dhashay..

0
71

Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho ayaa gacanta isula tagay kaddib markii ay isku qabteen wax ka beddel lagu sameynayo dastuurka Kenya.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo ku dhaawacmay Gacan ka hadalka ayaa la dhigay Isbitaallada Gaarisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Gaarisa Axmed Cabaas ayaa waxaa uu ganaaxay qaar ka mid ah Xildhibaannadii ka dambeeyay fowdada sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu ku soo rogay in muddo saddex Bilood ah aysan tagi karin xarunta Golaha Baarlamaanka Gobolka Soomaalida.

Xildhibaannadaas qaar ka mid ah ayaa iyaguna sheegay in aysan aqbaleyn hadalkiisa islamarkaana awood u adeegsan doonaan.

Xasan Xalane oo ka mid ah Xildhibaannada laga ganaaxay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in Arbacada berri ah uu tagayo isaga iyo xildhibaannada ku fakarka ahna ka shaqeyn doonaan xilka qaadista Guddoomiyaha.

Doodda muranka dhalisay ayaa la xiriirta isbeddel lagu sameynayo dastuurka Kenya oo ay wadaan Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga,waxaana diidday Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here