“Waxaan Jeclaan Lahaa In Nalagu Beego Man United, Riyo Ayay Noqon Lahayd” – Koox Haatanba Kusii Riyoonaysa Inay UEFA Europe League Kula Ciyaarto Red Devils.

0
19

Waxa xalay si rasmi ah usoo dhammaaday kooxaha usoo gudbay heerka Group-yada ee tartanka UEFA Europe League oo isku aadkiisa la samayn doono maanta oo Jimce ah.

Kooxaha ree England ee Manchester United iyo Arsenal ayaa ah labada kooxood ee ugu waaweyn ee tartankan qaybta ka ah, Dabcan kooxaha qaar ayaa jeclaan lahaa inay labadaas kooxood ka fogaadaan balse kooxo kale oo ku ducaysanaya ayaa jira.

Si kastaba, Axel Hellmann oo kamida boodhka sarre ee kooxda ree Germany ee Entracht Frankfurt ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in kooxdooda lagu beego Man United oo ay riyo u noqon lahayd.

Frankfurt ayaa xalay awooday inay markii labaad oo xidhiidh ah soo gaadho tartankan kaddib guul 3-0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Strasbourg iyagoo kasoo kabtay guuldarro 1-0 ah oo ay lugtii hore lasoo kulmeen.

Kooxdan ayaa xilli ciyaareedkii hore gaadhay wareega afar dhammaadka ee tartankan waxaana ay ku hadheen gacmaha kooxda Chelsea oo rigoorayaal ku reebtay.

“Maanta waxaynu aragnay qaab ciyaareed ay madadaalo buuxisay” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Axel Hellmann oo la dhacsanaa qaab ciyaareedkii kooxdooda ee kulankii xalay.

“Jawiga halkani waa wax khaas ah waxaana ay ciyaartoyda siisaa caawimada labaad, Way adagtahay in jawigan lala bar-bardhigo midka Bundesliga”.

“Waxaan jeclaan lahaa anaga in nalagu beego Manchester United heerka Group-yada, Taasi waxay noqon lahayd riyo sidii ay ahayd la ciyaarista Chelsea xilli ciyaareedkii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here