WAR DEG DEG AH: Ganacsade caan ah Oo lagu diley Baydhabo Xiisad ka taagan…

0
50

Baydhabo (CaasimadaTimes)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in Duleedka Magaalada lagu dilay Saddex ruux oo uu ka mid yahay Ganacsade si weyn looga yaqaano gobolka Bay.

Cali Aadan Marguus ayaa ka mid ahaa Ganacsatadda Beeraleyda ah ee Baydhabo, waxaana uu sidoo kale horay uu soo noqday Siyaasi.

Waxaa uu ahaa Oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta Waxsoorka beeraha Sanadyadii ugu dambeysay.

Dilka  Cali Aadan Marguus ayaa yimid ka dib Muran maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa dhul ku yaalla Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana uu ku dhintay rasaas ay ku fureen Koox hubeysan sidda ay shegeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Wixii warara Oo ku soo kordha dilka ganacsada waan idin la socodsiin doona isha allaah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here