WAR DEG DEG AH: Dab xoogan Oo ka kacay Xafad kamida Muqdisho khasaare dhimasho Oo ka dhalatay

0
90

Muqdisho (CaasimmadaTimes)-Inta la xaqiijiyay 2-caruur ah oo wada dhalatay ayaa ku geeriyootay dab xooggan oo ka kacay Degmada Warta-nabadda gaar ahaan Suuqii hore ee Balka ee degmada Warta-nabadda EX Wardhiigley.

Dabka ayaa ku biloowday sida la sheegay markii mid ka mid ah caruurta geeriyootay uu Jente-Siigar ku qabtay joodari uu ku jiifay kaas oo uu xakamayn waayay markii dambana uu dabku sii xoogeystay ilmihii yaraana ay hoos galeen Sariir tiilay qolka dabku qabsaday.

Gaadiidka Deb-damiska oo oo daqiiqado ka dib tegay goobta ayaa la tacaalaya damintiisa,dhinaca kalana waxaa lagu guda jiraa baadi goobka ilmo yar oo la la’yahay loona maleynayo in uu ku jiro mid ka mid ah guryaha gubtay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta gudaha  ayaa sheegay ilmaha geeriyooday ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda hal qoys waxaase ay sheegeen in ay iyana xoolo ku wax yeeloobeen debkaas welina lala tacaalayo.

Wixii warara Oo ku soo kordha waan idin la socodsiin doona isha allaah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here