WAR CUSUB: Hub ka degay meel kamid ah Xeebaha Puntland & Ciidamo labo dhinac ah oo la geeyey Cabsi xoogan oo…

0
47

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hub la sheegay in uu ka dagay xeebta deegaanka Laasqoray ee gobalka Sanaag, taas oo la sheegay in ay leeyihiin qaar kamid ah ganacsatada deegaanada gobalkaas oo ka soo iibsaday dalka Yemen,ilaa haddana ma jirto faahfaahin laga hayo nooca hubkaan iyo ujeedada Iibsigiisa waqtigan.

Puntland ayaa u dirtay deegaanka Laasqoray qaar kamid ah ciidamadeeda Amniga, sidaas oo kale ganacsatada hubkan lasoo dagay ayaa dhankooda maleeshiyaad daacad u ah u diray deegaankaas, waxaana soo baxaya warar kala gedisan oo xaaladan ku gadaaman.

Mid kamid ah dadka deegaanka Laasqoray oo ay la xariirtay Caasimadatimes.com wuxuu sheegay in uu maqlay wararka arrintan sheegaya balse uusan indhihiisa ku arkin wax hub ah oo la dajiyey.

Waxayna wararku sheegayaan in deegaan ka durugsan magaalada oo lagu magacaabo Cad-cadaa la sheegay in uu ku dagay Hubkan,

“Aagga la sheegay in hubkan laga dajiyey anaga nooma dhawa masaafo xooga ah ayuu noo jiraa, laakiin waxaan ku sheegayaa in ay ciidamo yimaadeen magaalada oo ay baaritaano dhaheen waan sameynaynaa, waxaana magaaladan ay tahay mid inta badan ay dhiacyo badan joogan” ayuu yiri Nabadoon Yuusuf Aw Raage oo kusugan magaalada.

Warar ka madax banaan dhinacyada oo aan ka helnay gobalka Sanaag ayaa sheegaya in ay hubkan leeyihiin qaar kamid ah dadka deegaanadaas oo kasoo iibsaday dalka Yemen oo ay hadda dagaalo ka jiraan, waxayna doonayaan in ay isku hubeeyaan, balse ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga hayo arrimahan.

Xariir aan la sameynay maamulka gobalka Sanaag ee Puntland ayaan suuragalin, maadaama ay xubnahaasi ka jawaabi wayen telfoonadooda gacanta, balse xogo madax banaan ayaa sheegaya in ay arrintaas aad ugu mashquulsan tahay Puntland sidii ay wax uga qaban lahayd.

Walaaca la qabo ayaa ah in uu hubkaas noqdo mid gacanta u gala kooxaha Argagixisada ah ee kusugan buuraleyda dhulkas, balse warar ayaa sheegaya in aysan aaggaas u dhaweyn kooxahaas ayna taasi muujinaysa in ay hubka leeyihiin dadka deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here