Waa Maxay waxaa mideeyay madaxda ka qaybgeleysa caleema-saarka Madobe?

0
103

Muqdisho (Caasimadatimes)-Laba madaxweyne oo kamid ah madaxweyneyaashii soo maray talada Soomaaliya, laba madaxweyne dowlad-goboleed oo xilka kategey, madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare, xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka  iyo madaxda xisbiyada mucaaradka qaarkood ayaa kamid ah siyaasiyiinta kaqaybgeleysa caleema-saarka madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay Axmed Maxamed Islaam oo laga soo billaabo 2013 illaa 2019 hayey xilka dowlad-goboleedka Jubbaland, haddaba Maxaa mideeya madaxda ka qaybgeleysa caleema-saarka Madobe?

Dadka kafaallooda arrimaha Federaalka ayaa qaba in Siyaasadda isu soo dhoweysay MW Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe  kaddib 8 sano oo ay ku kala maqnaayeen  khilaafkii dhexmaray dowladdii kmg ahayd iyo jabhaddii Raaskanbooni  ee kadhashay faragelintii Millateri ee ciidanka difaaca Kenya kusameeyey Soomaaliya sanadkii 2011, islamarkaana isku xirtay MW Xasan Sheekh, guddoomiye kuxigeenka aqalka sare, xildhibaanada labada aqal, madaxda dowlad-goboleedyada kuwa xilka haya iyo kuwii hore iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ay leedahay weji kadduwan astaamaha iyo dhaqamadii khilaafka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Sida ay sheegeen madaxda kaqaybgelysa caleema-saarka Axmed Madoobe Kismaayo waxa ay kusameyn doonaan gole kulmiya oo ay ku yeeshaan shaqsiyad iyo metelaad siyaasadeed kaas oo cadaadiska siyaasadeed ku kordhiya xukuumadda federalka.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa qaba in 3 Arrimood ay mideeyso madaxda ka qaybgeleysa caleema-saarka Madob,

  1. Waa in ay u muujiyaan in Axmed Madoobe uusan keligii ku ahayn dagaalka siyaasadeed ee uu kula jiro xukuumadda federalka,
  2. Waa in ay muujiyaan in aanay jirin siyaasad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay (Somalia Inclusive Politics) taas waxa ay ku muujinayaan ugu yaraan laba dowlad-goboleed oo kamid ah dowladda federaalka, madaxweynayaal hore, xubno baarlamaan oo katirsan labada aqal iyo xisbiyada siyaasaddu in aysan wadashaqeyn lalahayn xukuumadda.
  • Waxa ay calaamatu su’aal saarayaan hoggaaminta madaxweyne Farmaajo iyaga oo iskudeyaya in ay far waaweyn ku qoraan in aanay katurjumeyn in ay dalka kadhacdo doorasho 20/21.

Dhammaan arrimahaasi waxa suuragal ah in ay weji kale u rogaan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland oo salka ku haya intiisa badan doorashooyinkii badnaa ee kadhacay Kismaayo Agosto-2019

Maxaa heerkan gaarsiiyey khilaafka Jubbaland iyo dowladda federaalka?

Sida ay kudoodayaan xubno katirsan xukuumadda iyo Baarlamaanku faylka Jubbaland xukuumaddu uma wajahin si wadajir ah, waxaana hab-socodka arrinta Jubbaland bannaanka kajooga Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka & dib u heshiinta, sababta waxa ay kusheegeen in madaxtooyada iyo lataliyeyaal aan kamid ahayn xukuumaddu ay si gaar ah gacanta ugu hayaan arrinta Jubbaland sidaas awgeedna aanay fursad heli Karin Wasaaradaha kushaqada leh oo illaa xad ay aaaminsan yihiin in ay khilaafka koobi karaan haddiiba aanay dhammeyn Karin.

Maxuu kadhigan yahay kaqaybgalka caleema-saarka ee Abshir Bukhaari?

Xildhibaano kamid ah kuwa kaqaybgelaya Caleema-saarka ayaa sheegay in Marka la fiiriyo siyaasiyiinta kaqaybgelaya caleema-saarka Axmed Madoobe guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare uu yahay xilka ugu dhow ee dowladda ku meteli kara shirkaas ogolaansho iyo ogolaansho la’aan, marka laga tago in uu kamid yahay madaxda sare ee saluugsan siyaasadda madaxtooyada iyo xukuumadda haddana kaqaybgalkiisa shirkan oo ay suuragal tahay in ay isla og yihiin guddoonka aqalka sare waxa uu aqoonsi aan toos ahayn u ahay miraha doorashadii uu ku soo baxay Axmed Maxamed Islaan.

Xayiraadda duulimaadyada u kala socda Kenya iyo Kismaayo  

Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soosaaray amar lagu mamnuucayo duulimaadka u kala socda Kenya iyo Kismaayo, warqadda hay’adda duulista hawada waxaa lagu sheegay in ay reebban yihiin dhammaan duulimaadyada Asal ahaan ka yimaada Kenya ee kusocda Kismaayo ay reebban yihiin.

Amarkaasi waxa uu ka dhigan yahay khilaafka oo weji kale yeeshay iyo taageerada Kenya ee Axmed Madoobe oo la kulmeysa caqabad hor leh, kudarso oo waxa jira dadaal ay Jubbaland ku dooneyso in ay shirka uga qaybgalaan waddamada deriska oo ay Kenya ugu horreyso!

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here