(SAWIRO) Khayre Oo xaley si cajiiba u shir Guddoomiyay Ciidamadii la wareegay dhuusomareeb..

0
46

Dhuusomareeb (CaasimadaTimes)-Ra’iisul Wasaare Xasan cali khayre ayaa xalay shir gudoomiyey dhamaan ciidamada qaybahooda kaladuwan ee  faderaalka ee lagu warajeejiyey  amaanka magaalda dhuusomareeb iyadoo dhowaan lagu wado in lagu qabto shirka dib u hashisiinta mamulka Galmudug.

Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kasoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Maanta ayaa laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug.

Nagu xirnow si aad u hesho warar kii u danbeyey ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here