Sacuudiga oo soo bandhigay Khasaaraha xooga weyn ee gaaray warshadihii saliidda ee dhawaan la weeraray: SAWIRRO

0
43

Dowladda Sacuudiga ayaa warbaahinta u ogolaatay in ay gudaha u galaan oo ag sawirro kasoo qaadaan warshadihii saliidda ee Sabtidii hore la weeraray kuwaas oo hakad geliyay wax-soosaarka warshadahaasi boqolkiiba konton.

Warshadahan ayaa ku kala yaalla deegaanada Buqyaq iyo Khuraish, waxaana ka muuqda bur-bur xooggan.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa labaduba ku eedeeyay dowladda Iran in ay ka dambeyso weerarkan, waxaana ay sheegeen in ifafaalooyin badan ay muujinayaan in weerarkaasi Iran ku lug-leedahay.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen, waxayna ku hanjabeen in ay weerarada noocaan oo kale ah sii wadayaan haddii ay xulufada Sacuudiga ay ka joojin waayaal duullaanka.

Wasiirka arriimaha dibedda Iran Javad Zarif oo warbaahinta CNN la hadlayay ayaa sheegay in haddii lagu soo xadgudbo oo lasoo weerarao eysan gacmaha laaban doonin islamarkaana ay is-difaaci doonaan.

Waxaa kaloo uu ka digay wasiirku in dagaal iyada lagu soo qaado uu horseedi doono olol mandaqadda dhan ah.

Xukuumadda Iran ayaa horay u diiday, iminkana diideysa in ay iyadu ka dambeysay weerarka warshadaha saliida Sacuudiga, waxaana madaxweyne Rouxani oo warbaahinta la hadlayay sheegay in wax lagu qaato digniinta ey jeedinayaan islamarkaana aan lagu soo deg-degin weerar lagu qaado Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here