Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo Caro kala dul dhacay maamulka labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

0
28

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shir iskugu yeeray  maamulka labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

Shirka oo si gaar ah uga dhacay xafiiska raysal wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa   goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socota sirdoonka dalka Itoobiya iyo mileteriga dalkaasi .
 
Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii looga arrinsan lahaa xaaladda amni ee ka taagan xadka labada deegaan.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobadii ka soo baxay:-

1) In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.
2) In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas.
3) In ay khalad weyn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen maamulka xukuumada Canfarta markay warar ku tidhi ku teen ah oo khaa’inimo qaran ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka.
4) In Degaamaynta cusub ee maamulada qaar ay daba ka riixayaan ee ay wadaan ay joojiyaan
5) In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana talaabadooda ku haboon laga qaado.
6) In Ciidamada milatariga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda.
7) In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay shacabka ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here