Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Real Madrid Iyo Atletico – Xiddig Afrikaan Ah Oo Sida Dayixii Uga Dhex Iftiimay & Xiddigaha Fashilmay Kulankaa.

0
37

Markii seeriga ugu danbeeya uu yeeray waxaa wajiyada ciyaartoydda labada kooxood ka muuqatay inay ku qanacsan yihiin barbaro goolal la’aanta ee ay ku kala baxeen..

Xaqiiqdiina Real iyo Atletico waa ay ku qanacsan yihiin dhibcaha ay kala qeybsadeen madaama weli ay Los Blancos hogaanka u heyso La Liga halka Atletico ay ku jirto kaalinta seddexaad iyadoo ku dhibco ah kooxda kaalinta labaad ee Granada, laakiin waxaa laag yaabaa inay dib u soo eegaan kulankaan oo ay ku noqoto fursad ay seegeen.

Seddex dhibcood oo labada kooxood helaan waxa ay u ahaan laheyd dhibco aad u mug weyn laakiin haatan waxaa labada kooxood kala saaraya hal dhibic halka Los Blancos ay labo dhibcood ka sareyso Barcelona.

Xiddiga Garoonka

Thomas Partey (Atletico Madrid): Kulankii Madrid Derby waxa uu ahaa mid feejignaan ay ka muuqatay labada kooxood, laakiin waxaa sida dayixii uga soo dhex iftiimay Thomas Partey. Inta badan weerarka Atletico waxa uu ka imaanayay xiddiga reer Ghana kaasoo khadka dhexe ku maamulayay baasaskiisa.

Waxaa iyagana xusid mudan oo si fiican u ciyaaray daafaca midig ee Atletico Kieran Trippier iyo goolhaye Jan Oblak oo fursad fiican ka beeniyay kooxda Los Blancos, laakiin bandhigay Thomas ayaa dad badan xusuus ku reebay, waxaana uu banaanka soo dhigay ceebaha Koke iyo Saul.

 

Dhanka Real Madrid waxaa iyagana ismuujiyay daafacyada Varane iyo Nacho, halka Valverde uu qaab ciyaareed lama filaan ah soo bandhigay iyadoo goolhaye Courtois uu isna ku guuleystay inuu shabaqa ilaashado.

Xiddigaha aan ismuujin

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa ahaa xiddigii ugu waxqabadka yaraa kulankii Wanda Metropolitano ka dhacay isagoo helay kaliya qiimeeyn 4 dhibcood ah xitaa waxaa ka qiimeyn sareeya xiddigaha bedelka ku soo galay ee Atletico iyo Real Madrid.

Xidigaha kale ee aan ka soo bixin halkii laga filayay waxaa ka mid ah hanka Atletico Madrid Vitolo, Saul, Gimenez iyo Savic, dhanka Real Madrid Carvajal Bale iyo Eden Hazard.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Atletico Madrid: Oblak 8, Trippier 7, Savic 5, Gimenez 5, Lodi 6, Vitolo 5, Saul 5, Thomas 8, Koke 6, Felix 6, Costa 4.

Bedel: Correa 6, Lemar 5, Llorente 5.

Real Madrid: Courtois 7, Carvajal 5, Ramos 6, Varane 7, Nacho 7, Kroos 6, Casemiro 6, Valverde 7, Bale 5, Benzema 6, Hazard 5.

Bedel: Jovic 5, Modric 5, James 5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here