Muxuu Sergio Ramos Ku Aflagaadeeyay Calanwadaha? Tababare Diego Simeone Oo Maqlay & Kabtanka Real Madrid Oo Halis Ugu Jira In La Ganaaxo

0
34

Ciyaartii xalay ee Wanda Metropolitano kama dhicin waxyaabo badan oo muran dhaliya marka laga reebo arin ka dhacday agagaarka kursiga keydka ee tababare Diego Simeone kaasoo ku baaqay in la ciqaabo kabtanka Real Madrid Sergio Ramos.

Sergio Ramos oo aan ku qancin go’aan uu gaaray calanwadaha ciyaarta ayaa inta uu dhankiisa aaday aflagaadeeyay hooyadiis halka tababare Simeone oo isna dhinac taagnaa uu ku qeyliyay calanwadaha, madaama uusan wax talaabo ah ka qaadin xiddiga aflagaadeeyay hooyadiis ee Ramos.

Tababare Simeone oo la hadlaya calanwadaha ayaa ku yiri:

“Sidee ayaad ku ogolaan kartaa sidaas? Wuxuu yiri: “Dhilo ayaa ku dhashay.”

Dhacdadaan waxaa qabatay kaamirada kanaalka Movistar taasoo soo bandhigtay Ramos oo ku mudaharaadaya calanwadaha iyo tababare Simeone oo si xun u carooday isagoo dalbaday in kabtanka Real Madrid kaar loo taago isagoo xusuusiyay calanwadaha afalgaadadii uu kala kulmay Ramos.

Caawiyaha tababare ee Atletico Madrid Prof. Ortega ayaa ka dib soo gaaray goobta isagoo xusuusiyay garsooraha afaraad in Diego Costa casaan lagu siiyay aflagaado sidaan oo kala ah kulan ay la ciyaarayeen Barcelona islamarkaana sideed kulan la ganaaxay.

Waqtigii nasashada Ramos ayaa u dhawaaday tababare Simeone si uu u la hadlo iyadoo tababaraha reer Argentina uu u muuqday mid ka careysan sida ay wax u dhaceen.

Casemiro ayaa sidoo kale ku soo biiray wadahadalkooda intii ay ku sii socdeen qolka labiska.

Lama oga waxa ay xiriirka kubada cagta Spain ka sameyn doonaan eedeyntaan iyo haddii warbixinta garsooraha ee ciyaarta lagu soo dari doono aflagaadada Ramos ee calanwadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here