Maxaa saaka ka socda Dhuusamareeb Xilibaano ku qulqulaya & walaac laga muujiyey Gudiga dowladdu magacwday.

0
23

Dhuusamareeb (Caasimadatimes)-Xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga doorto degaanada maamulka Galmudug  ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda Guddiga Wasaarada Arrimaha  Soomaaliya ay u Magacowday Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada maanta ku wajahan Magaalada ayaa ah kuwo saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay tagitaankooda Dhuusamareeb in uu waji cusub u yeeli doono Xaaladda maamulka Galmudug.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna ayaa waxaa soo gala dhex galay Khilaaf xooggan oo sababay in Galmudug ay yeelato labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Ahlusunna.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here