Maxaa ka soo kordhey dagaalkii saaka ciidanka Somaliland iyo Korneel Caarre

0
517

Ceerigaabo (CaasimadaTimes)-Dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadd la baxday Dulmidiid oo uu hoggaamiyo Korneyl Saciid Cawil Jaamac Caarre, ayaa saakay ka dhacay Tuulo lagu magacaabo  Karin oo hoostagta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada jabhadda Korneyl Caarre ay shalay si nabad ah ku qabsadeen tuulada Karin oo sida la sheegay marin muhiima u ah Somaaliland, waxaana saakay halkaas weerar ku qaaday ciidamada ka tirsan kuwa Somaaliland.

Tuulada Karin ayaa waxay ku taalaa marin istiraatiijiya oo lagu magacaabo Tabca, waxaana la sheegay in marinkaas ay aad u isticmaalaan ciidamada xukuumadda Somaaliland.

Dadka ku nool deegaanada saakay lagu dagaalamay ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka ay isu adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee wali wax faahfaahin ah lagama helin khasaaraha dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda Korneyl Caarre.

mar kasta nagu nagu xirnow si aad u hesho warar kii udanbeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here