Ismari-waa kataagan Kulamada Kismaayo, Doonista Puntland & Mucaaradka oo Is diidan!

0
27

Kismaayo (Caasimadatimes)-Kulamo saacado dheer qaatay oo maanta ka socday magaalada Kismaayo ayaa looga wada hadlay xaaladdaha siyaasaded ee dalka, waxaana si gaar ah looga hadlay arrimaha ku wajahan doorashooyinka dalka, habka loo wado siyaasadda dalka iyo qodobo xasaasi ah.

waxaanu la xariiray qaar kamid ah ka qeybgalayaasha kulamadan siyaasadeed, waxaana ogaanay in Maanta  saaro doono qoraalo ku wajahan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareyn doono hab dhaqankeeda xagga siyaasadda, waxaana si mideysan dhinacyadan ay u qaban doonaan shir jaraa’id oo ay arrimahan ku faahfaahinayaan.

Puntland ayaa soo jeedisay in madashii Muqdisho lagu dhisay iyo kulankan ay kala noqdaan kuwa labo kala ah, waxayna sheegtay in ay doonayso in dawladda Faderaalka laysku dayo wada hadal in lagu ogoleysiiyo arrimaha taagan.

Isbaheysiga mucaaradka oo ay horey u asaasteen oo kaliya Xassan Sheekh & Shariif Sheekh Axmed ayaa hadda lays ku dayayaa sidii loo balaarin lahaa oo ay xubno uga noqon lahaayeen maamul gobaleedyada dalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in aysan dhinacyadu isku siyaasad ka aheyn arrimaha socda oo ay qolo kasta doonisteeda gaarka ah maanka ku hayso, sidaas oo kalena ay doonayaan in ay meelmar noqdaan doorashada.

Siyaasiintan shalay markii ay hadlayeen dhammaantood waxay diiradda saareen arrimaha doorashada 2021-ka, waxay sheegen in dawladda waqtigeedu ku e’eg yahay Madaxweynaha 8 Feb 2021-ka, inta ka horeysana uu leeyahay sharciyadda dalkan oo ay tahay in wadar loo hogaamiyo.

Ka sokow, in ay soo saari doonaan warsaxaafadeed wadajir ah, haddana sida muuqata iskuma raacsana tubta iyo nooca ay doorashadu noqon doonto, waxaana dad badan ay ka walaacsan yihiin hanaanka doorashada oo ah waxa ugu weyn ee ay dhinacyo badan qeyb ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here