GO’AAN: Ousmane Dembele Oo Maamulka Barcelona oo u cadeeyey Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Ee Haddii Heshiiska Neymar Lagu Darayo – Miyuu Ogolaaday Mise?

0
27

Garabka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo warramayaa inuu maamulka kooxdiisa Barcelona u caddeeyay waxa uu ka damacsan yahay heshiiska la doonayo in lagu daro ee uu Neymar ugu soo wareegayo dhinaca Barca.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa gobolka Catalunya ayaa sheegaya in sida ay sheegeen shaqsiyaad ku dhaw dhaw wada xaajoodka Barcelona iyo Paris uu Dembele yahay mid aad iskaga caabinaya inuu haatan u wareego dhinaca PSG.

Wakhti xaadirkan, Barcelona iyo PSG ayuusan midkoodna ku qancin karin Dembele inuu qayb ka noqdo heshiiska ka kooban 130-ka Milyan ee lagu daray Rakitic, Todibo iyo isla Dembele.

Agaasime Eric Abidal iyo tababare Thomas Tuchel ayaa la hadlay Dembele, Wakiilkiisa iyo shaqsiyaadka kale ee ku hareeraysan balse wakhtigan ayuusan doonayn in lagu daro heshiiskaas.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Barca ay haatan raadinayso qorsheyaal kale oo ay uga wareegayso qorshihii ahaa inay heshiiskan qayb kaga dhigto Dembele balse aysan marnaba meesha ka saarayn lasoo saxeexashada Neymar.

Sababta ugu weyn ee ay Barca u doonayso inay dib ula soo wareegto 27 jirkii hore ee kooxdeeda ayaa ah inay rabto inay markale hanato tartanka Champions League oo ay mudo afar sano kahor ahi ugu dambaysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here