Duqa Magaalda Muqdisho oo qaabilay Wafdi ka socda UNHCR Maxayse ka wada hadleen?

0
14

Kulankan oo ay muhiimadiisu aheyd sidii loo xoojin lahaa xalka gaarista arimaha barakacayaasha iyo sidii ay u heli lahaayen nolal dagan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay agaasimaha hey’ada QM u qaabilsan qaxootiga aduunka ee UNHCR gaar ahaan Bariga iyo geeska Africa Mss. Clementine Nkweta-Salami.

Masuuliyiinta hey’ada UNHCR iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa arimaha badan isla meel dhigay oo ay kamid ahaayeen horumarinta wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo HNHCR, dardargalinta mashaariicda lagu taageeraayo dadka barakacayaasha ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen ( 500.000) qof, sidoo kale waxaa kulan kaan looga hadlay shaqa abuurka dhallinyarada iyo dhismaha xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in madaxda hey’adda UNHCR ay islameel dhigeen arima muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here