Dowladda oo war Xaasaasiya ka soo saartay duulimaadyada Kismaayo .

0
25

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlayey go’aankii dowladda ay soo saartay ee la xiriiray duulimaadyada Kismaayo.

Oomaar oo waraysi siiyay Caasimadatimes  ayaa sheegay in joojinta  duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin  cid ay si buuxda ugu halen karaan duulimaadyada Kismaayo sidaas  darteedna ay buuxinayaan kaalintaas banaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo balse go’aanka xukuumadda uu yahay mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.

Hadalka Oomaar ayaa imanaya xilli maamulka Jubbaland uu soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubbaland.

Jubaland waxay sheegtay in shacabka deeganadaasi ay saaran tahay xayiraad sharci darro ah oo dastuurka baal marsan taasoo saameyn ku yeelatay kaliya dhinacyada, ganacsiga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo arrimaha gargaarka bani’aadamnimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here