Dowladda oo Ciidamo dheeraad ah geysay Dhuusamareeb Cabsi weyn oo ka jirta in..

0
64

Dhuusamareeb (Caasimadatimes)-Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ah kuwa sida gaarka u tababaran geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug si ay qeyb uga noqdaan qorshaha xaqiijinta Ammaanka Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa kala yimid Muqdisho iyo Gaalkacyo waana ciidanka sidda gaarka u tababaran sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga.

Horay Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska ee sidda gaarka ah u tababaran.

Ahlusunna ayaa dhankeeda Magaalada ka wadda Hub Aruursi iyo abaabul Ciidan,maadaama labada dhinac ay doonayaan in ay hirgaliyaan qorshahooda doorashada Galmudug.

Dadka Magaalada ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna iyo dowladda ay kusoo daabulayaan magaalada ay ku abuurtay Cabsi weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here