Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna oo Wada-hadallo hoose u socdaan

0
28

Dhuusamareeb (Caasimadatimes)-Hoggaanka sare ee Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa dhawaan qaadacay guddiga farsamada iyo dhismaha Maamulka Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya,waxaana taasi ay sababtay in xubnaha Guddiga oo Muqdisho ku sugan aysan weli tegin Magaalada Dhuusamareeb.

Shalay oo Isniin aheyd ayaa la filayey in Xubnaha guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ay tagaan Dhuusamareeb,hayeeshee ay ka baaqsadeen sababo la xiriira in weli Ahlusunna aan lagu qancin guddiga ay dowladda Magacaawday.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xukuumadda Somaaliya iyo Ahlusunna uu u socdo wada-hadallo Hoose,isla markaana dowladda ay Ahlusunna u soo jeedisay in Gudiga loogu biiriyo 5 Ilaa 6 Xubnood oo ka dheeri ah 13kii Xubnood ee horay loo Magacaabey.

Dhinaca hoggaanka sare ee Ahlsunna ee ku biiray Galmudug ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay sheegeen inay doonayaan in la fuliyo heshiiskii hore ee ahaa in Guddiga Ahlusunna laga siiyo 6 Xubnood halka Dowladda ay qaadato 7 Xubnood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu tago Magaalada Dhuusamareeb si Ahlusunna loogu qanciyo sida ay dooneyso dowladda Federaalka.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in dowladda federaalka ay ka baxday heshiisyo ay la gashay Ahlusunna halka qaarkood ay balan qaaday aysan weli fulin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here