DEGDEG:Wararkii Ugu danbeeyey Boosaaso Dhaqdhaqaaq Xukumada Deni Looga Soo horjeedo.

0
127

Boosaaso (Caasimadatimes)-Puntland Ayaa Dagaal Adag Kula Jirta Dadka Shirarka Xukumada Deni looga Horjeedo ee Lagu qabanayo.

Boosaaso oo sacadaha Ugu danbeeyey Odayaal Iyo Nabdoon lagu Xidhay Ayaa la Sheegaya Inay ka socdaan Kulamo Odayaasha Leeyahiin,waxayna Kulamadani kaga Soo Horjeesteen dadka Xukumada Puntland Ku Xidhay Gobolka Bari.

Maal mahii Ugu danbeeyey Gobolka Bari Gar Ahaana Magaalada Boosaaso waxaa Kusoo Xoogaysanaya Diidmada Siyaasada Puntland,waxayna Puntland Dhankeeda wadaa Cadaadis Siyaasinta Iyo Odayaasha Kulamada Looga Horjeedo Ku qabanaya.

Sidoo kale Odayaasha  oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Deni looga baahna inay fuliso balan-qaadyadii waqtiga doorashada, iyagoona kasoo horjeestay heshiiskii Shirkad laga leeyahay Imaaraadka loogu wareejiyay DP world iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax lagu xiray Amar kasoo baxay Saraakiil ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona markii dambe xabsiga la dhigay.

Puntland ayaa dhowr jeer xirtay Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo horjeestay Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo markii dambe qaarkood la siiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here