DEGDEG:Puntland oo Tababar u soo xirtay Ciidamo Cabsi weyna ku abuuray Soomaliland

0
35

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xiray tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in farxaddani iiraacdo farxaddii 01 Ogoosto 2019 sanadguuradii 21-aad oo aan aragnay cududda iyo xirfadda ciidankeena, waxaanna is leeyahay cadawgii Puntland isagoo awelba calool xumo qabey maanta ayaa ciidamada Puntland Adhaxda ka jebiyeen, ciidankani waxay ku guulaysteen tababarkoodii, waxaan faraynaa oo kula dardaarmaynaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta In tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo ruggata ciidanka” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin Guddoonsiiyey macalimiinta ciidanka tababarayey iyo ciidanka kaalmaha hore ka galay tababarka ciidanka mudadii uu socdey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here