Dagaal Culus Oo ka dhacay Ceelwaaq iyo weeraro kale oo cabsi laga qabo.

0
128

Ceelwaaq (CaasimadaTimes)-Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saldhig ay magaaladaas ku leeyihiin ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkooda ay ku bilaabeen madaafiic ay ku garaaceen saldhig ay daganaayeen ciidamada Kenya, sidoo kalana dhankooda ciidamada Kenya ayaa iyaguna ku jawaabay madaafiic kale, kuwaas oo la sheegay in ay ku dhaceen tuulooyin hoos taga degmada Ceelwaaq.

Guddoomiyaha degmadaas Sahal Macalin Aadan oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in madaafiic ay is dhaafsadeen ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab kaddib uu halkaas ka dhacay dagaal kooban ayna iska caabiyeen dibna u celiyeen Shabaabkii soo weeraray.

Guddoomiyuhu ma sheegin khasaare ka dhashay dagaalkaas, hayeeshee waxa uu shaaca ka qaaday in dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen tuulooyinka hoos taga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isagoo sheegay inay suurta gal tahay in weeraro kale ay soo qaadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here