WAR DEGDEG AH:Ciidamo kusugnaa duleedka Badhan oo wada dhaqdhaqaaq ay kaga careysan yihiin Dagaalkii Garoowe.Sheegayna in ay Soo..

0
48

Badhan (Caasimadatimes)-Sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Badhan maamulka gobalka Sanaag ee Puntland ayaa ku howlan sidii ay dajin lahaayeen xiisad cabsi laga qabo in ay ku dhaqaaqaan talaabo aan sax aheyn ciidamo kusugan gobalkaas oo katirsan kuwa Puntland, kana carooday talaabadii ay xalay ciidamo ku weerareen xarunta baarlamaanka ee Garoowe.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay soo gaareen deegaanka Ceel-Daahir oo ay marto wadada laamiga ah ee isku xirta gobalada Puntland, dadka qaarkood ayaana walaac kamuujinaya in ay rabshad halkaasi ka abuuraan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-Daahir ayaa u sheegay Caasimadatimes in ay dadaal ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa ciidamadan oo ka careysan talaabadii Garoowe, waxayna sheegeen in ay joojin doonaan isku socodka gaadiidka.

Ciidamadan ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka, waxaana subaxnimadii hore ee saaka ay soo gaareen laamiga dheer ee isku xira Puntland, iyadoo ay socdaan dadaalo lagu joojinayo ficilo ay sameeyaan.

Wariyaha PuntlandTimes ee magaalada Badhan ayaa sheegaya in ay dad badan walaac ka muujiyeen weerarkii xalay lagu qaaday baarlamaanka xaruntiisa, waxaana gobalkan ka soo jeeda Gudoomiye Mr, Dhooba-Daareed oo ay mudanayaal baarlamaan mooshin ka gudbiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here