Ciidamada Dowladda oo xiray Dhamaan wadooyinka soo gala Dhuusamareeb.Maxaa Soo kordhay?

0
24

Dhuusamareeb(Caasimadatimes)-Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan Magaaladaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Ahlusunna ay baneeyeen Xarunta.Dowladda Hoose Ee Degmada Dhuusamareeb,isla markaan ay la wareegeen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb,waxana hoggaanka Sare ee Ahlusunna ay xilligaan ku sugan yihiin Xarunta Inji ee Magaalada dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo qeybaah Bulshada kula hadlayay Guriceel ayaa sheegay in waxa ay hadda arkayaan aysan aheyn waxyaabihii ay kula heshiiyeen,isla markaana ay yihiin dib u noqosho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here