Ciidamada Dowladda oo howlgalo culus kawada Degmada Awdheegle

0
52

Kadib markii shalay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Somalia ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa xalay halkaas ciidamadu ay ka sameeyeen howlgal balaaran.

Ciidamada ayaa gelinkii dambe ee shalay markii uu soo geba-geboobay weerarkii qaraxyada ku bilowday iyo midkii tooska aha waxa ay ku amreen dadka deegaanka in ay ku nagaadaan guryahooda oo bandow tahay magaalada.

Dadka deegaanka oo la hadlay idacada dalsan ayaa u sheegay dhowr qof oo u badan dhalinyaro in lagu qabtay howlgalkaas ay sameeyeen ciidamada dowladda eek u sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa shalay weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen Awdheegle iyada uu daba socday weerar toos ah,taliyaha ciidanka lugta ee Somalia Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay ka taqaluseen dhamaan Shabaabkii soo weeraray saldhigga kuwa kalana ay nolosha ku hayaan.

Dhinaca kalana waxa dhankooda ay sheegeen Al-shabaab in tobaneeyo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dileen weerarkaas qaraxyada ku bilowday,dhanka kalana waxaa saakay degan xaladda degmada Awdheegle.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here