Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo ka badbaaday isku day dil waase kuma.

0
288

Boosaaso (Caasimadatimes)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay is-rasaasayn Galabta halkaasi ku dhexmartay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland iyo dableey hubaysan.

Dableeyda hubaysan oo looga shakisan yahay, in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, ayaa sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaalka, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso, balse sarkaalka oo ka badbaaday rasaastaasi, ayaa isna raasaas kale ugu jawaabay dableeyda, inkastoo durbadiiba ay goobta ka carareen.

Is-rasaasaynta dhexmartay sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Abshir Cabbaas iyo dableeyda hubaysan, waxaa ku dhintay hal ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaasi oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Axaddii la soo dhaafay, laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay rasaas la beegsadeen dableey hubaysan, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here