Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho si arxan daro ah loogu dilay

0
21
????????????????????????????????????

Kooxo hubeysan ayaa labo Askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dilay degaanka Tareedisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Askarta oo la socotay Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM islamarkaana Watay gaari ay leeyihiin Ciidanka xoogga kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen ka dib markii ay wadada ku xiran tahay.

Mid ka mid ah Askarta ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana mid kale uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi hadda howlgallo ka wadda Ciidanka Booliska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here